Ethiopia oo sheegtay inay fashilisay weerar lala damacsanaa safaaradda Imaaraadka

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inay fashilisay weerar lala damacsanaa in lagu qaado safaarada Imaaraadka Carabta ee magaalada Addis Ababa.

Wakaaladda wararka ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in la xiray 15 qof oo ka qorsheynayay weerar lagu qaado safaaradda Imaaraadka ee magaalada Addis Ababa.

Bayaan ka soo baxay hay’ada Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in sirdoonka Itoobiya oo kaashanaya dhigooda dalka Sudan ay u suuragashay inay burburiyaan shabakad koox argagixiso ah isla markaana ay fashiliyeen weeraro lagu qaadi rabay safaarada Imaaraadka ay ku leeyihiin dalka Sudan.

Sida ku cad bayaanka, ciidamada sirdoonka Itoobiya ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub, walxaha qarax iyo dukumiintiyo.

Bayaanka ayaa lagu xusay in dadka gacanta lagu dhigay isla markana iyaga oo wakiil ka ah koox argagxiso shisheeye ah,ay doonayeen in ay weerar fuliyaan.

Koox labaad oo laga shakisan yahay ayaa sidoo kale la sheegay inay maleegayeen weerar lagu qaado diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ee ku sugan dalka Sudan.

Laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa dhanka kale sheegay inay wadaan dadaalo lagu soo qabanayo 21 qof oo kale oo looga shakisan yahay in arrintani ay ku lug leeyihiin.

Hase yeeshee Dowlada Imaaraadka Carabta ayaan illaa iyo iminka wax war ah ka soo saarin weerark lala damacsanaa safaaradeeda ku taal magaalada Addis Ababa.