Dowlada Federalka oo sheegtay inay duqeyn ka geysatay Galmudug

Qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta dowlada federalka ayaa lagu sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 20ka Luulyo 11-ka barqanimo duqeyn lala beegsaday xarumo ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku leeyihiin deegaano kamid ah Dawlad Goboleedka Galmudug.

Wasaarada Warfaafinta oo aan si toos ah u sheegin deegaanka la duqeeyay ayaa waxa ay shaacisay in aysan duqeynta dad rayid ah wax ku noqon.

“Duqeyntan waxaa lagu difaacayey geesiyada Ciidanka Kumaandooska ah Xoogga Dalka ee DANAB, wax dhibaato uma gaysan dadka rayidka ah. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Danab way sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Galmudug si ay uga xoreeyaan shacabka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalka.

dowlada federalka oo sheegtay inay duqeyn ka geysatay galmudug