Dowlada Jabuuti oo beenisay warar laga faafiyay caafimaadka Madaxweyne Geelle

356

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa beeniyay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qaar ka mid ah Warbaahinta iyo Baraha Bulshada ayaa waxa ay shalay baahiyeen in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ku tilmaamay warkaas inuu yahay mid xaqiiqda ka fog.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu fasax u tegey dalka Jabuuti. “Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan oo ah inuusan ka tegin dalka xagaagan oo dhan,” ayuu ku daray.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad.

dowlada jabuuti oo beenisay warar laga faafiyay caafimaadka madaxweyne geelle