Dowlada Jarmalka oo xanibaad adag ku soo rogtay dadka aan iska tallaalin Covid 19

Jarmalka ayaa  ku dhawaaqay xannibaadda waddanka oo dhan ee dadka aan la tallaalin, iyadoo hoggaamiyeyaasheaeda ay taageereen qorshayaasha tallaallada qasabka ah bilaha soo socda.

Dadka aan la tallaalin ayaa laga mamnuuci doonaa inay galaan dhammaan ganacsiyada ugu muhiimsan, sida dukaamada waaweyn iyo farmashiyeyaasha, si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus.

Go’aankan ayaa waxaa si wadajir ah ugu dhawaqay Chancellor Angela Merkel iyo ku-xigeenkeeda Olaf Scholz kadib wadahadallo lala yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka.

Labada lamaane ayaa sidoo kale taageeray soo jeedinta tallaalada qasabka ah, kuwaas oo haddii baarlamaanka loo codeeyo ay dhaqan geli karaan laga bilaabo bisha Febraayo 2022.

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo Jarmalku uu la dagaallamayo kiisas badan oo Yurub laga helay nooca cusub ee Coronaha ee loo bixiyay Omicron.

Waajibka tallaalka ee dalka oo dhan wuxuu dhaqan geli karaa laga bilaabo Febraayo 2022 – ka dib marka laga doodo baarlamaanka.

Haddii la ansixiyo, waajibaadka tallaalka Jarmalku waxa uu raaci doona wadadii uu maray dalka Austria ee jaarka la ah, taas oo sidoo kale qorshaynaysa in tallaalka dadka waaweyn ee xaqa u leh ka dhigto qasab laga bilaabo Febraayo.

Dhinac kale, Giriiggu wuxuu ku dhawaaqay in tallaalku ay qasab ku noqon doonaan dadka da’doodu ka weyn tahay 60 jir laga bilaabo badhtamaha Janaayo.

Kuwa diida inay sidaas sameeyaan waxay wajihi doonaan 100 euro (US $ 113) ganaax bil kasta.
Guddoomiyaha Komishanka Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in la joogo waqtigii “si macquul ah looga fikiri lahaa tallaalka qasabka ah” ee ururka dhexdiisa, maadaama ay wajahayaan labalaab weerar oo ah mowjadda coronavirus ee afaraad iyo walaaca laga qabo Omicron ee ay heleen saraakiisha caafimaadka Koonfur Afrika usbuucii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More