Dowlada Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ay ka qeyb qaateen dagaalkii Buulo Xaawo

Wasiirka Arrimaha Dibbada dowlada Kenya Fred Matiangi ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ku lug lahaayeen dagaal ka dhacay shalay magaalada Beled Xaawo.

Fred Matiangi ayaa sheegay in uusan jirin askari ka tirsan ciidamada Kenya oo ka gudbay xadka Soomaaliya kana qeyb qaatay dagaalkii shalay ka dhacay Beled Xaawo.

“Kama mid ahayn ciidamadeena dagaalkii Beled Xaawo mana jiro askari ka gudbay Xadka oo galay gudaha Soomaaliya.”ayuu yiri Fred Matiangi.

Guddoomiyaha Mandhera Ali Roba ayaa sheegay in 12 ruux oo ku sugnaa gudaha magaalada Mandhera ay ku dhaawacmeen rasaas habow ah iyo madaafiic laga soo tuuray gudaha magaalada Beled Xaawo.

Warka ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada Kenya ayaa imanaya maalin kadib markii wasaarada arrimaha dibbada Kenya ay soo saartay qoraal ay ku muujineyso walaac ay ka qabto dagaalka ka dhacay magaalada Beled Xaawo.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowlada Kenya inay farogelin ku hayso arrimaha gudaha dalka Soomaaliya ayna soo hubeysay maleeshiyaadkii soo galay shalay magaalada Beled Xaawo.