Dowlada Kenya oo ka hadashay sababta ay u codsatay dib u dhigista Dacwada Badda

Dowladda Kenya ayaa beenisay in sababta ay u dalbatay dib u dhigista kiiska badda ee yaala Maxkamada ICJ inuu yahay arrimo la xiriira sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa beeiniyay hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya Soomaaliya , waxyana sheegeen in sababaha ay ku dalbadeen dib u dhigista aysan ku jirin dood ku saabsan sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo 15ka bisha March ee sanadkan.

Ujeedada ay u dalbadeen dib u dhigista dacwada ayay dowlada Kenya ku sheegtay inuu yahay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Kenya ayaa garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto “khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta” oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda ayna ku doodeyso in Soomaaliya aysan xilligan ka jirin dowlad sharciyad u leh hogaaminta dalka.

“Waxay doonayaan inay ku buriyaan kiiskeena iyagoo ku doodaya Soomaaliya dowlad kama jirto,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dib u dhac horleh oo ku yimaada kiiska loo ballansan yahay 15-ka March ee sanadkan ay sumcad xumo ku noqon karto maxkamadda.

Jadwalka dacwadda ee ay maxkamadda soo saartay

Bisha March ee sanadkan ayaa loo asteeyay kiiskan dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.