Dowlada Maraykanka oo ka Digtey Argagaxiso Gudaha ah

Dowlada Mareykanka ayaa ka digay khatar sare oo argagixiso gudaha ah, taas oo laga filan karo dadka aan ku faraxsaneyn natiijada doorashadii loogaga guuleystey Donald Trump.

Waaxda Ammaanka Gudaha u qaabilsan dalka Maraykanka ayaa sheegtay in weerarkii ay taageerayaasha Trump 6-dii bishan ku qaadeen xarunta baarlamaanka Maraykanka ee US Capitol uu sababi karo inay soo baxaan xagjiriin.

Waxay ka digtay khatar ka imaan karta dadka ka careysan howlaha dowladda,
Balse wasaaradu ma sheegin inuu jiro qoshe abaabulan oo gaar ah.

Weerarkii US Capitol ayaa ku soo beegmay xilli Kongareeska ay kulan lahaayeen si ay u ansixiyaan guushii doorashada ee Joe Biden. Madaxweynihii markaas xilka ka sii degayay Donald Trump ayaa wax yar kahor taageerayaashiisa khudbad ugu jeediyay bannaanka Aqalka Cad wuxuuna ku cel celiyay sheegashooyin aan caddeymo loo heyn oo ah in doorashada lagu shubtay.

Kumanaan ruux oo ka careysnaa natiijadii doorashada Maraykanka ayaa xoog ku galay dhismaha US Capitol iyadoo ay ku dhinteen illaa shan ruux oo uu ka mid ahaa sarkaal ka tirsanaa booliiska Capitolka.

Waxaa intaas lagu daray in koox xagjiriin ah laga yaabo inay beegsadaan saraakiisha la doortay iyo xarumaha dowladda.Waa digniintii ugu horreysay ee ay waaxdu soo saarto muddo sanad ah.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay aqoonsadeen ilaa 400 oo qof oo laga shakisan yahay isla markaana ay soo xireen 135 qof oo lala xiriirinayo weerarkaas.