Dowlada oo amartay in dib loo soo celiyo gaadiid ay haystaan wasiiro hore iyo xildhibaano

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray qoraal looga dalbanayo gaadiid ka maqan hey’addaha dowladda oo ay horay u qaateen Wasiiro xilal hayay iyo xubno kale oo ay ku jiraan xildhibaano.

Liiska la soo saaray ee Wasiirada gaadiidka ku maqan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gishan Wasaaradda Maaliyadda ku maqan iyo xubno kale.

Gaadiidka ayaa waxaa ka mid ah lix gaari oo ah    kuwa aan rasaasta karin Pulletproof iyo gaadiidka kale ee nooc raaxada ah.

Hantidhowrka ayaa u qabtay mas’uuliyiintan in muddo toban cisho gudahood ah ay ku soo celiyaan gaadiidka gacantooda ku jira.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay hantidhowrka guud ee qaranka;