Dowlada oo aqbashay in banaanbaxa sabtida uu ka dhaco Daljirka Dahsoon

War-saxaafadeed ka soo baxay goor dhow xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay mucaaradka ka dalbatay in banaanbaxa u qorsheysan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow.

Kulan maanta ay isugu yimaadeen guddiga qabanqaabada banaanbaxa ayaa lagu kala tagay iyadoo xubnihii gudiga ee ka socday dowlada federalka ay diideen in uu banaanbaxu ka dhaco Daljirka Dahsoon.

Hase yeeshee xukuumada federalka ayaa bedeshay mowqifkeeda waxayna soo saartay Warsaxaafadeed ay ku aqbashay.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay xukuumada;