Dowlada oo dhagxaan ku jartay isgoyska Dabka ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa dhagxaan waaweyn dhigtay bartamaha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Baabuurta isticmaalaysa wadada Maka Al Mukarama ayaa hadda laga bilaabo waxaa ku adkaanaysa in ay uleexdaan wadada aada isgoyska bakaaraha ama dalcadda waaberi.

Lama oga sababta keentay in wadadan lagu jaro dhagxaan iyadoo hore xukuumada Ra’iisul Wasaare Roble u sheegtay in la furayo waddooyinka xiran.

Tallaabadan lagu kala xiray wadadaan muhiimka ah ayaa imaaneysa iyadoo shalay gaari qarax siday uu xoog ku dhaafay bar control oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn isgoyska dabka, kaas oo qarxay inta uusan gaarin barta control ee taallada Sayidka, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada uu soo dhaafay.