Dowlada oo fasaxday Shaqaalaha maalinta Dhalashada Nabi Muxamed 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhammaan shaqaalaha dowladda Federaalka iyo kuwa Hay’addaha gaar ah ay fasax yihiin.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada ayaa lagu sheegay in shaqaalaha fasax yihiin maalinta Khamiista ee soo socota oo ah 29ka Oktoobar 2020,kuna beegan maalintii uu dhashay Nabiga Muxamed NNKH.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Shaqada.