Dowlada oo sheegtay in Maamulada Jubbaland iyo Puntland aysan aqbalin ka qeybgalka shirka doorashooyinka

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo iclaamiyey shir ay ka qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo Madaxda dowlada federalka.

Shirkan oo dowladu ay qorsheysay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ka dhaco intii u dhaxeysay 18-kii ilaa 19-kii bishan ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii Jimcaha uu banaanbax ka dhacay Muqdisho rasaas lagu furay.

“Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa baaq loogu direy madaxda dowlad goboleedyada ee aan weli aqbalin ka soo qeybgalka shirka ee Puntland iyo Jubbaland.

“Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Madaxda seddaxda maamul goboleed ee Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed ayaa ku sugan caasimada dalka ee Muqdisho.

Qoraalkan ayaa sidoo kale waxa ay dowladu ku soo dhoweysay baaqyada caalamiga ah ee tilmaamaya in deg deg xal looga gaaro khilaafka hareeyey dorashooyinka Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoog leh ku saareysa dowlada federalka Soomaaliya inay qabato doorashada dalka oo xilligeedii la soo dhaafay.