Dowlada Soomaaliya oo ku baaqday in khilaafka Ethiopia wadahadal lagu dhameeyo

sumad

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ee u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha kasoo cusboonaaday dalka Itoobiya, waxaana lagu baaqay in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada federalka soomaaliya ay ka walaacsan tahay xaaladda soo shaac baxday ee Itoobiya.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa taageerada ay u hayso midnimada Itoobiya, waxayna ku baaqeysaa in wada hadal lagu dhammeeyo is afgaranwaaga ka dhex jira Itoobiya. Soomaaliya, deris ahaan iyo saaxiib ahaanba waxay diyaar u yihiin inay ku bixiyaan taageero buuxda baadi goobka loogu jiro soo afjaridda xaaladda hadda ka taagan Itoobiya.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii xoojineyso baaqyada gobolka ee ah in si deg deg ah oo nabad ah lagu xaliyo khilaafka ka taagan Itoobiya.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qabtaa in hadda, in ka badan sidii hore, in gobolkeennu u baahan yahay in la xoojiyo tabarucaadka wadajirka ah iyadoo la higsanayo yoolka guud ee nabadda iyo amniga si kor loogu qaado fursadaha dadkeenna. Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa midnimada ay la leedahay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuurka, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Itoobiya.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya.

Ciidamada dowlada federalka Ethiopia iyo ciidamada maamulka Tigray ayaa ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobolka Tigray iyadoo laga cabsi qabo in dagaal xoog leh uu ka dhaco caasimada Tigray ee Mekkele.