Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay dib u fureyso safaaradii ay ku lahayd Kenya

1,214

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo celineyso xiriirkii ay la lahayd dowlada Kenya, iyadoo ugu baaqday Kenya inay dib u furto Safaaradeeda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay dib safaaradeeda uga furi doonto magaalada Nairobi.

Waxaa maalmaha soo socda bilaaban doona tallaabooyin dib xiriirka labada dal loogu soo celinayo, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socota ay tagi doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Warkan ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii ay dowlada Kenya qaaday xayiraad ay hore u saartay duulimaadyada magaalooyinka Muqdisho iyo Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer hore ugu eedeysay dowlada Kenya inay farogelin ku hayso arrimaha gudaha dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee dowlada Qatar ayaa dhowaan ergey u soo dirtey labada dal si uu ugala hadlo in la wanaajiyo xiriirka labada dal.dowlada soomaaliya oo sheegtay inay dib u fureyso safaaradii ay ku lahayd kenya