Dowlada Soomaaliya oo si kulul uga hadashay duqeymo ciidamada Kenya ka geysteen Gedo

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay duqeymo ka fulisay deegaanada Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur ee Gobolka Gedo, iyadoo ku tilmaamtay in duqeyntaas aheyd mid aan loo meel dayin, waxaana dowladda Soomaaliya ku hanjabtay inay dacwad u gudbin doonto Midowga Afrika.

Duqeyntii shalay Kenya ka fulisay deegaanadaas ayaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray hooyo iyo carruurteeda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu yiri;”Waa tusaalihii ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruurta oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka Kenya”

Dowlada Soomaaliya ayaa ku tilmaantay howlgalada ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya inay yihiin kuwo ka baxsan waajibaadkooda hoos yimaada waajibaadka UNSC ee amarka AMISOM, gaar ahaan OP17 oo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in ciidamada AMISOM ay gutaan waajibaadkooda.

Iyagoo si buuxda ugu hoggaansamaya dowladaha ka qayb qaadanaya. waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Halkan hoose ka aqriso warka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya;

dowlada soomaaliya oo si kulul uga hadashay duqeymo ciidamada kenya ka geysteen gedo dowlada soomaaliya oo si kulul uga hadashay duqeymo ciidamada kenya ka geysteen gedo