Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia oo ka wadahadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen ganacisga iyo Maalgashiga

804

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khalif Cabdi Cumar, oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay caasimadda Belgrade ee dalka Serbia, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta ee dalkaasi Ms. Tatjana Matic oo ay ka wada-hadleen iskaashiga laba dal. gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Labada Wasiir, waxaa ay is-waydaarsadeen fursadaha Maal-gashi ee ka jira labada dhinac iyo siddii wax-soo-saarka Soomaaliya looggu dhoofin lahaa dalka Serbia

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dalka Serbia kaga qeyb-galay shirkii xuska sanad guurada 60-aad dhaq-dhaqaaqa dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada kale ee ka jira caalamka, ayaa shalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirkaasi oo khusaysay iskaashiga dawladaha, dhaqaalaha, ganacsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.