Dowladda Soomaaliya oo laba qodob hordhigtay Canada si gurmadka ay wax uga qabato.

Sept. 28 (Jowhar.com)-Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya la yeeshay wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada Harjit Sajjan.

Mr. Warsame oo faah faahinayay kulankaaasi ayaa sheegay inuu Harjit Sajjan kala hadlay sidii dawalada Canada ay u kordhin leheyd deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya.

“Harjit Sajjan oo ah wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada oo aan maanta Ottawa kulan ku la qaatay, ayaan kala hadlay in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya” ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhinaca kale sheegay inuu wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada kala hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka abaaraha.

“Waxaan kaloo ka codsaday in ay nagala qaybqaataan, gaar ahaan dawladaha iyo hay’adaha ay xiriirka iyo saamaynta ku leeyihiin, sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka abaaraha” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Si kastaba, C/raxmaan C/shakuur ayaa wada qeyla dhaanta caalamka iyo Soomaalida qurbaha ku nool ee ku aadan sidii gurmad loola soo gaari lahaa dadka baaraha iyo colaadaha ay isugu darsameen, Caanda kahor waxa uu ka yimid Mareykanka oo uu gurmad u raadinayay dadka ay abaaraha saameeyeen.

dowladda soomaaliya oo laba qodob hordhigtay canada si gurmadka ay wax uga qabato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More