Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in aan Xarumaha Waxbarashada la xiri doonin

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in adeegyadii Waxbarashada la sii joogteeyo iyada oo marwalba la raacayo habraacyada ka hortagga COVID-19 ee ay ku baaqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda.

Qoraalka soo baxay wasaarada waxbarashada ayaa lagu cadeeyay in xarumaha waxbarashada laga doonayo in aan raacaan qaababka loogaga hortago cudurka Covid 19 sida xirashada afxirka,kala fogaanta iyo gacmo dhaqasahada.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay wasaarada waxbarashada;