Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay heshiiska Sacuudiga iyo Qatar

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bogaadinayso waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafka dalalka Khaliijka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhex dhexaadnimo, wax wada qabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madax bannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

Dowladda Federaalka ayaa horay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafkii dalalka Khaliijka, kaddib markii dowladaha Sacuudiga, Baxreyn, UAE iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar, iyagoo xayiraad ku soo rogay, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, balse Qatar ayaa iska fogeysay eedeymahaas.