Dr Cusmaan Dufle oo markale loo doortay Senator Aqalka Sare

708

Dr Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa markale loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare kadib markii uu helay wareegii labaad ee doorashada caawa ka dhacday magaalada Jowhar codad gaaraya  68 cod.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamay Proff Dufle iyo Raage Xasan Cusmaan oo ah nin dhalinyaro ah,waxana uu helay 28 cod halka ay labo cod ka halowday.

Wareegi hore ee doorashada kursigan ayaa waxaa ku haray Ambassador Maxamuud Tarzan kadib markii uu helay 19 cod.

Siddeeda kursi ee deegaan doorashada Hirshabelle ayaa afar ka mid ah la doortay iyadoo saddex ka mid ah ay dib ugu soo laabteen senataradii hore ugu fadhiday halka hal kursi uu ku guuleystey senator cusub.

Waxaa lagu wadaa in berri oo Khamiis ah la soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Sare ee senatarada Hirshabelle oo afar kursi ay ka harsan tahay doorashadeeda.