Duqa Muqdisho oo amray inaan dib loo furin ganacsigii lagu xiro amarka Shabaab.

Sept. 23 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa digniin culus u diray ganacsatada u hogaansama amarrada ka soo baxa Al-Shabaab.

Gudoomiye Madaale oo ka hadlayay kulan ka dhacay Muqdisho oo lagu taageerayay Kacdoonka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda Hiiraan iyo Galgaduud ayaa sheegay in ganacsigii lagu xiro amarka Shabaab aan dib loo furi doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Albaabkii ganacsi ee lagu xiro amarka Al-shabaab, waxaan cadeynaya inaan dib loo furi doonin, sidoo kale qofkii Al-shabaab u garsoor u raadsada waxaan u sheegaya inuusan Muqdisho soo laaban doonin” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, xili todobaadkan amar ka soo baxay Shabaab lagu xiray xarumo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Zoobe ee bartamaha magaalada Miqdisho, walow markii dambe ay goobahaasi si xoog ah ay ku fureen ciidamadda Nabad Sugida ee dowladda.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa canshuuro kala duwan ka qaado ganacsatada ku sugan Muqdisho iyo Soomaaliya, waxayna dil ugu hanjabtaa cid kasta oo diida canshuurta iyo awaamiirta kale

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More