Duqa Muqdisho oo xarriga ka jaray dhismaha Barxadda Biyaasa

732

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha barxadda Biyaasa-Liibaro ee degmada Xamar Jajab.

Oo ay dowlada hoose Xamar ku sameysay dib-u-dhis goobtaas oo loogu talagalay in lagu baakimo gaadiidka Xamuulka ah si loo yareeyo saxmada balaaran ee ka jira isku socodka wadooyinka Caasimadda.

Barxada Biyaasa Liibaro oo ah goob danguud ah ayaa muda ku dhow 30-sano helin wax dayactir ah, iyadoo dhawaan uu duqa magaalada Muqdisho amar ku bixiyay dhismaha goobtan si bulshada loogu qidmeeyo.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo goobta kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhismahaan Biyaasa-Liibaro ay qeyb ka tahay qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee la xariirta xal u helida saxmada xooggan ee kajira wadooyinka magaalada.