Duqeyn ka dhacday deegaano ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe

duqeyn

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in duqeyn xoog leh loo geystey xalay saldhigyo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntan lala beegsaday degmada Saakow iyo deegaanka Salagle halkaa oo ay ku xooggan yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymahaas lagu burburiyay Goobo ay Al-Shabaab qaraxyada ku diyarinayeen sidoo kalena la dilay Xubno ku sugnaa goobtaas.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay hase yeeshee duqeymaha lala beegsado ee saldhigyada Alshabaab ayaa waxaa iska kaashada ciidamada dowlada iyo kuwa AFICOM.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee bishan Febraayo 2021 laga fuliyo deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.