Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

duqeyn

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday tuulo ka tirsan degmada Jamaame lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka Buurta Kuumba oo 12KM u jirta Jamaame, waxaana lagu dilay illaa 15 dagaalame.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 43aad ayaa sheegay in howlgalkan iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxibadood caalamka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo inta badan faah faahin ka bixiya duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka fuliyo Koofurta Soomaaliya.