Duqeyn loo geystey xarun idaacad Alshabaab ay ku lahayd deegaanka Kuunya-Barrow

duqeyn

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in diyaarad aan duuliyaha wadin ay xalay duqeyn ka geysatay deegaanka Kuunya-Barrow oo ka mid ah deeganada ay Alshabaab maamulaan.

Duqeyntan ayaa lala bartilmaameedsaday idaacad ay ururka Alshabaab ku lahaayeen deegaankaas iyadoo duqeyntana ay ka dhalatay burbur iyo waxyeelo kale.

Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Maraykanka oo weerarada duqeynta ka geysanayay sanadihii la soo dhaafay deegaanada ay ka taliyaan Alshabaab.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay ciidamada Maraykanka ka fuliyaan gudaha Soomaaliya sanadkan cusub ee 2021.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan haatan markab dagaal oo diyaaradaha xambaara kaasoo la doonayo inuu ka daadgureyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya.