Ethiopia oo ka codsatay WHO inay baaritaan ku sameyso Tedros Adhanom

429

Dawladda thiopia ayaa ka codsatay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO in ay baaritaan ku samayso madaxeeda gaarka ah ee Itoobiya Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Waxa ay dowlad Ethiopia ku eedeeysay madaxa WHO in farogelin ku sameeyo siyaasada dalka Ethiopia.

“Waxa uu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Itoobiya oo ay ku jirto xiriirka Itoobiya iyo dowladda Ereteriya,” ayay tiri dowladdu.
Waxa kale oo ay ka digtay in Dr Tedros uu khatar gelin karo sharafta hay’ada WHO.

Toddobaadkan uun, Dr Tedros waxa uu ku tilmaamay xaaladda nololeed ee ay dagaaladu ku dhufteen ee Tigray inay yihiin Naar, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda inay ka hortagayso dawooyinka muhiimka ah ee soo gala gobolka.

Dhanka kale dowladdu waxay ku eedaysay mucaaradkeeda – falaagada Tigray – inay xannibeen gargaarka.Dhammaan dhinacyada isku haya colaadda ayaa lagu eedeeyay inay weerareen ama la wareegeen sahayda gargaarka.

Addis Ababa ayaa horay ugu eedeysay Dr Tedros inuu taageeray jabhaddii Tigrayga xilligii ay socdeen dagaallada sokeeye ee Itoobiya, taasoo uu beeniyay.

Dr Tedros ayaa ka soo jeeda qoomiyada Tigreega, waxaana uu ahaa wasiirkii caafimaadka dawladii hore ee Itoobiya, taasoo ay hogaaminaysay kooxda TPLF.