Faahaahin ka soo baxaysa dil loogu geystey dalka Canada muwaadin Soomaali ah

Booliska magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa wada baaritaan la xiriira ciddii ka dambeysay dilka wiil Soomaali ah oo habeennimadii Talaadada ka dhacay waqooyiga magaalada Edmonton.

Sidoo kale wiil Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi, kaasoo hadda lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla magaaladaasi.

Wiilka la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Xaashi oo 25 jir ah,waxana ay sheegeen ciidamada booliska inay baarayaan cidda ka dambeysa dilka wiilkan.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in labada muwaadin ay rasaas ku fureen xilli ay ku sugnaayeen Waqooyiga magaalada Edmonton ee dalka Canada.

Ciidanka Booliska ayaa gaaray halka falku ka dhacay, waxaana ay sheegen Saraakiishu in ay wadaan baaritaan ku aaddan dilka iyo dhaawac loogu gaystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed Waqooyiga magalada Edmonton ee dalka Canada.

Booliska magaalada Edmonton ayaa sheegay in toddobaadyadii u dambeeyay ay kordheen is rasaaseyn la xiriirta aargudasho, balse ma aysan caddeyn in weerarka lagu dilay wiilka Soomaaliga ah, kan kalena lagu dhaawacay uu arrinkaasi la xiriiro.