Faahfaahin ka soo baxaysa Alshabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan Sanaag

shab

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo la wareegay deegaanka Gurya-samo oo ku yaal duleedka degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Koox hubaysan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab ayaa gaaray gelinkii dambe ee shalay deegaanka Gurya-samo, halkaas oo ay ka samaysteen dhufaysyo ciidan.

Kooxda Al-shabaab ayaa Degaanka ka samaysay waxay ku tilmaantay hawlgal ciidan, kaas oo ka dhan ah dadka Shacabka ah ee hubaysan, iyagoo xabsi dhigey qaar ka mid ah shacabka in ay xireen dad kala duwan.

Deegaanka Al-shabaab ay la wareegeen ee Gurya-samo ayaa dhul istiraatiiji ah oo ka tirsan Buuraleyda Calmadow.