Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal xalay ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Beledweyne

558

Wararka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne balse dagaalka ay ku dhinteen 2 carruur ah oo walaalo ah saddex ka mid ah isla qoyskana ay ku dhaawacmeen.

Hoobiye ayaa la sheegay inuu ku dhacay guri ay qoyskan ka degenaayeen magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafada Howlwadaag.

Lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyadoo dagaalka uu dhacay xilli dadka ay hurdayeen guryahooda.

Hase yeeshee waxaa dagaalka uu yimid kadib markii shalay ay howlgalo ka sameeyeen deegaano ka tirsan degmada Beledweyne.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan ee ku saabsan dagaalkan xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa waxa uu ka mid yahay magaalooyinka ay dowlada federalka u qorsheysay inay ka dhacaan doorashada xildhibanaada golaha shacabka.