Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

986

Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira weerar hubeysan oo xalay lagu diley saddex ruux oo ka dhacay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Weerarka oo ay geysteen rag watay gaari wajiyadana soo xirtey ayaa waxaa ay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo kamid ahaa dad joogay goobta ayaa ku geeriyooday weerarka dhacay, halka laba qof kalena uu dhaawac soo gaaray.

Labo kamid ah dadka dhintay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Liiban Cumar iyo Cumar Nuur Colow oo kamid ahaa ganacsatada magaalada Dhuusamareeb.

Ragga weerarka geystey ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen kadib markii ay weerarka geysteen.

Hase yeeshee, saraakiisha Ammaanka ayaa bilaabay baaris ay ku raadinayaan kooxdii dilka iyo dhaawaca ka geysatay Bartamaha Dhuusamareeb, waxa ay qabteen dad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen weerarkaas ama ay wax ka ogaayeen.