Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada CeelWaaq

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Diyaaradan oo ka soo duushay magaalada Nairobi ayaa waxaa la socday 45 ruux iyadoo dhamaan rakaabka saarnaa diyaaradaas ay ka badbaadeen.

Wararka waxa ay sheegayaan in diyaaradan ay ka baxday wadada markii ay soo caga dhigatay waxaana loo aaneynayaa shilkan inuu ku yimid garoonka diyaaradaha oo aan la dayactirin muddooyinkii la soo dhaafay.

Hase yeeshe mas’uuliyiin katirsan Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay in 7-ruux oo ah Rakaabka Diyaaradda dhaawac uu soo gaaray sida ay ku ogaadeen natiijada hordhaca ah oo ay ka heleen shirkaas.