Faahfaahin ka soo baxaysa howlgal lagu soo qabqabtay rag diyaarinayay waxyaalaha qarxa

Taliska Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan ay ku soo qabqabteen shakhsiyaad diyaarinayay waxyaalaha qarxa.

Qoraal ka soo baxay PSF, waxa lagu sheegay in Hawlgalkaas uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso,iyadoo dad badan loo xirxirey dhowaan arrimo amni darro awgeed.

“Ciidanka PSF hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen shakhsiyaad la raadinayey oo diyaariya waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo kadibna geeya buuraha si loogu waxyeeleeyo ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Caal Madow.” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay PSF.

Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgalo xiriir ah ka waday gudaha Boosaaso, kadib markii qof dumar ah magaalada lagu dilay todobaadkii tegay.