Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

Details emerge from a grenade blast in Mogadishu tonight
Details emerge from a grenade blast in Mogadishu tonight

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax ka dhacay caawa magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ahaa mid ka dhashay miino la dhigay wadada xiriirisa KM4 iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in hal ruux uu ku dhintey mid kalana uu ku dhaawacmay qaraxan oo lala beegsaday gaari nooca aan rasaasta karin.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo xirey wadada isla markaana baaritaano ka sameeyey goobta uu qaraxu ka dhacay.

Miinooyinka la dhigo wadooyinka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo ururka Alshabaab uu sheegto inuu ka dambeeyo weeraradan.