Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay goordhow magaalada Muqdisho

896

Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Wararka u horeeya ee kasoo baxaya qaraxan ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ciidamada AMISOM ka tirsan kuwaasoo marayay meel u dhow isgoyska tarabuunka dhinaca xiga dugsigii sare ee Banaadir.

Lama oga illaa hadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa hase yeeshee waxaa uu geystey burbur xoog leh oo soo gaaray dhismayaal ka dhowaa halka uu qaraxan ka dhacay.