Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

1,080

Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta qarax ka dhacay agagaarka xerada ciidamada cirka Avisione ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dad ku dhow toban ruux ay ku dhinteen qaraxan halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la sheegay inay saarnaayeen saraakiil ka tirsan qaramada midoobay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada booliska oo ku saabsan qaraxan.
Qaraxan ayaa ku soo beegmay xilli la filayo in berri oo ah Khamiis uu ka dhaco magaalada Muqdisho banaanbax uu khilaaf hareeyay.

faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada muqdisho faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada muqdisho faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada muqdisho