Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho
May 20 (Jowhar.com) – Waxaa soo baxaya faahfaahino qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta qeyb kamid ah Magaalada Muqdisho kaasoo lagula beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa siyaasi Cabdullaahi Sheekh lagula beegsaday xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, xili uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday Salaadii Jimcaha.
Dhaawaca Siyaasiyada Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa la dhigey isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dabiibayo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxa lala beegsaday siyaasi Cabdullaahi Sheekh oo kamid ahaa siyaasiyiinta aadka u taageeri jiray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.