Faahfaahin ka soo baxaysa shil ka dhacay caawa Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan shil baabuur oo caawa ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaari nooca xamuulka qaada ah oo ku rogmaday bartamaha isgoyska isagoo ku dul dhacay mooto bajaaj ay dad saarnaayeen.

Dab ayaa ka kacay goobta uu shilku ka dhacay iyado gtriga xamuulka ah ay saarneyd xamuul isugu jira timir iyo bagaash kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo Isgoyska joogay ayaa furay rasaas iyadoo la sheegay in dad badan ay ku soo xoomeen goobta shilka uu ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ee la xiriira shilkan caawa ka dhacay Muqdisho.