Faahfaahin ka soo baxaysa toogasho ka dhacday Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dil ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Afar ruux oo dhalinyaro ah ayaa lagu diley degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho,iyadoo dadkii ka dambeeyay dilkana ay goobta ka baxsadeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in raggan la diley ay ka mid ahaayeen ciidamo dhar cad ah balse ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada federalka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka 4-ruux ee maanta ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Dhowrkii maalmood ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geystey dadka waxaana dhowaan lagu diley degmada Deyniile nabadoon ka mid ah nabadoonada magaalada Muqdisho.