Faahfaahin Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa waxa uu ka dhacay caawa magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaasina lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Soomaliya.

Wararka waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ku dhaawacmay sarkaal magaciisa lagu sheegay Cumar Cabdiraxmaan iyo qaar ka mid ah ilaaladii la socotay.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka saldhigga ciidamada ee Afisiyoone oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo tegay goobta ayaa xiray agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay iyagoo baaritaano ka sameeyay.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa qaraxyo lagu weeraraa gaadiidka maraya iyadoo inta badan gaadiidkana ay yihiin kuwa ciidamada ay isticmaalaan.