Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

1,759

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo ku taal degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa uu isku dhex qarxiyay dhalinyaro loo qorayay ciidanimo kuwaasoo ku sugnaa afaafka hore ee xarunta ciidamada.

Dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxan ayaa la sheegay inay gaarayaan illaa labaatan ahaa dhalinyarada loo qorayay askarinimada halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxey hay’adaha ammaanka ee dawladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku aadan qaraxa ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Gen. Dhego badan.

Sidoo kale ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waloow weerarrada sidan oo kale ah badanaa sheegtaan Al-Shabaab.