Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax duhunimadii maanta ka dhacay maqaaxi ku taal magaalada Muqdisho.

Dowlada Federalka ayaa ka hadashay qaraxan iyadoo Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) uu sheegay in qaraxan ay ku dhinteen lix ruux halka 8 kale ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in baaritaano kala duwan ka sameeyay halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoona inta uu socday baaritaanka xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa agagaarka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada dadka is miidaamiya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ka dhaceen goobaha dadka ay ka cunteeyaan gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin dadka u shaqeeya dowlada federalka.