Faahfaahino ka soo baxay hoobiyaal saaka ku dhacay Wadajir

xamar

Faah fahinno dheerad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiyaal saaka ku dhacay xaafad u dhow garoonka diyaaraha ee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde.

Madaafiicdan ayaa waxaa ku dhintey saddex ruux oo rayid ah halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Hoobiyaashan ayaa ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha xilli ay halkaas ku sugnaayeen madax ka socota maamul goboleedyada dalka.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay weli laama amniga iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee madaafiic ay ku dhacaan degmada Wadajir.