Faahfaahino ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay Muqdisho

xamar

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax Caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska KM-4 ee wadada maka Al-Mukarama.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay miinada dhulka lagu aaso waxaana uu dhacay xilli ay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday agaasimaha waaxda socdaalka Cornel Koofi.

Ma jiro qasaare soo gaaray agaasimaha iyo ilaaladii la socotay inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dad rayid ah ay ku dhaawacmeen.

Lamaaha Ammaanka dowladda Soomaaliya wali faahfaahin kama bixin Qaraxa oo ahaa mid laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.