Faahfaahino ka soo baxaya qarax kadhacay magaalada Muqdisho

Faaf faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goor dhow ka dhacay maanta magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaasina uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa lala beegsaday gaari uu lahaa xildhibaan hore Muxidiin Xasan Afrax, iyadoo uu ku dhintey qaraxaas mid ka mid ah ilaalada Muxidiin Xasan halka qof kalana uu ku dhaawacmay.

Muxidiin Xasan Afrax ayaan la socon gaariga xilligii miinada ay la qaraxday sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa ayaa jugtiisa looga maqlay Xaafadaha Degmada Kaaraan iyo degmooyinka kale ee ka ka tirsan gobolka Banaadir.