Faahfaahino ka soo baxaysa Qarax ka dhacay Muqdisho iyo guddoomiye waaxeed la diley

xamar

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dil ka dhacay degmada Kaxda iyo qarax ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay.

Khasaare nafeed ayaa laga soo sheegayaa degaanka Kaxda kadib toogasho iyo qarax ka dhacay deegaan u dhexeeya degmada Kaxda iyo Ceelasha Biyaha.

Dilka ayaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday. Labadan qof ayaa la sheegay inay olole tallaal ka waden degaanka markii la toogtay.

Dilkaasi kadib ayaa la sheegay inuu isla goobta ka dhacay qarax baabuur kaasi oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ka dhashay baabuur la sheegay inay meesha uga tageen dablaydii dilka gaysatay oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaxda iyo gobolka Banaadir oo la xiriira qaraxa iyo dilka guddoomiye waaxeedka.