Fanaankii Faarax Siidow Faarax oo ku geeriyooday Muqdisho

Fanaanka Faarax Siidow Faarax oo ka mid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Marxuumka waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo 13 carruur ah, waxaana magaciisa saxda ah la oran jiray Faarax Cali Faarax, balse waxa uu caan ku ahaa magaca Faarax Siidow Faarax.

Sanadkii 1963-kii ayuu ku soo biiray fanka, isagoo hees u qabtay sanadkii 1965 keydka hadlaka ee Radio Muqdisho.

Marxuumka ayaa yaraantiisa waxa uu tirin jiray gabayo, isagoo suugaan u qaadi jiray Xisbigii Leegada, isla markaana waxa uu ka mid ahaa aas aasayaasha cayaaraha Hidaha iyo dhaqanka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii Qaranka Allaha u naxariistee, Faarax Siidow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.