Farmaajo iyo Uhuru oo isku arkaya Turkiga

The presidency has announced that Farmajo will address the Somali people tonight
1,307

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa todobaadkan inuu u ambabaxo dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb galayo Madasha Diblomaasiyada Antalya.

Inkastoo shirkan uu yahay mid heer Wasiir Arrimo dibadeed iyo Madax ka socota Ururo dowli ah iyo kuwa aan dowli aheyn, hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah martida ku casuuman shirkaas.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in Antalya uu isna tagi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, lana filayo inay is arkaan isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dalka Qatar iyo qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa dadaal badan geliyay sidii xiriirka labada dal Kenya iyo Somalia loo soo celin lahaa, sidoo kale waxaa jiray fursado la rabay in Uhuru iyo Farmaajo lagu kulansiiyo, balse ay suura geli weyday, waxaase la ogeyn fursada hadda ka soo baxday Madasha Diblomaasiga Antalya ka furmi doono inuu noqon doono kii labada Madaxweyne ku kulmi lahaayeen.