Farmaajo oo u ambabaxay magaalada Addis Ababa
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu Magaalada Addis Ababa kaga qayb galayaa meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.
Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, waxaana looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.
Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa waxaa uu shir doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirka, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.