Gaari dad rakaab ah ay saarnaayeen oo miino kula qaraxday gobolka Jubbada Hoose

miino

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shan ruux ay geeriyoodeen kadib gaari ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka dhintey ayaa waxaa ka mid aha hooyo iyo ilmo ay dhashay oo labo bil jir ahaa,gaariga ayaa la sheegay inuu ka tegey magaalada Kismaayo kuna sii jeeday deegaanka Dhoobley.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbada Hoose iyadoo waxyeelada ka dhalata miinooyinka ay tahay mid joogta ku ah dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose.

Tan iyo markii ay ka bilowdeen dagaalada u dhexeeya ururka Alshabaab iyo dowlada federalka dalka Soomaaliya ayaa dad faro badan waxa ay ku dhinteen miinooyin la geliyay waddooyinka ay gaadiidku maraan.