Gaari uu la socday Guddoomiye degmo oo caawa lagu qarxiyay Muqdisho

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax miino uu caawa ka dhacay Wadada 21 October ee degmada Waaberi, iyadoo qaraxa lala beegsaday Guddoomiye degmo.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa waxaa saarnaa Guddoomiyaha degmada Hodan C/xakiin Dhegajuun oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku dhaawacmay.

Sidoo kale qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxa.

Dhaawaca Guddoomiyaha ayaa loola cararay Isbitaalada, waxaana Ciidanka amniga oo soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay ay xireen wadada.

Qaraxyada soo boodada ah ayaa habeenadii la soo dhaafay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo lala beegsanayay gaadiidka Mas’uuliyiinta la socota ciidamada, waxaana todobaad ka hor sidan oo kale qarax ka dhacay nawaaxiga KM4 ka badbaaday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Duraan Faarax.

Bil ka hor ayaa waxaa isna ka badbaaday qarax miino Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaar ka mid ah ilaaladiisa ay waxyeelo ka soo gaartay.